Maxay ka wada hadleen Cirro & saraakiil Maraykan ah oo ku kulmay Washington?

Tuesday September 22, 2026 - 13:55:29
MeMO Staff
Warbaahinta Yahuudda ee Jewish Insider ayaa sheegtay in Cirro, madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland uu usbuucii hore intii uu ku sugnaa Washington saraakiil Maraykan ah kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga amni iyo milatari ee Hargeysa iyo Washington.
Jewish Insider oo fadhigeedu yahay Maraykanka, waxay xustay in Cirro uu awoodda saaray sidii uu maamulka Trump uga dhaadhicin lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac. Iyadoo sida ay warbixintu xustay Washington ay horey-ba xiriir toos ah iyo mid dadban ula lahayd Hargeysa.

Deggaannada Waqooyi Galbeed ee gumaystuhu ula baxay Somaliland oo ku yaalla Geeska Afrika, kuna teedsan Gacanka Cadmeed, ayay warbixintu sheegtay in loo arko meel suurtagal u ah in Mareykanka ama Yahuuddu ay ka sameystaan saldhigyo milateri.

Cirro oo jimcihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu kulamo la yeeshay wakiillo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Pentagon-ka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Tamarta, iyo ugu yaraan hal wakiil oo ka socday Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka.

"Dhammaantood waxaan la yeelannay wada-hadallo miro-dhal ah. Marka laga reebo aqoonsiga Somaliland, waxaan dareemaynaa in horumar laga sameeyay wada-hadalladeenna, waxaana sii wadi doonnaa wada-hadalladaas,” ayuu yiri Cirro.

Wuxuu intaas ku daray: "Dhanka kale, waxaan fahamsanahay in iskaashigeenna dhinacyada kala duwan uu kordhi doono oo ballaaran doono, waxaanan rajaynaynaa in joogitaanka Mareykan ee Somaliland uu hirgali doono mustaqbalka dhow.”

Sida Jewish Insider sheegtay, Somaliland waxay dadaal ugu jirtaa in Mareykanku qunsuliyad ka furto Hargeysa, isla markaana uu ballaariyo joogitaankiisa milatari ee gudaha Somaliland, xilli labada dhinac ay horey u isaga kaashan jireen la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Waxa kale oo warbixintu ka dhawaajisay in ay jiraan tababarro shareeco-la-dirirnimo ah oo saraakiil Mareykan ah ay siiyaan maleeshiyaadka Somaliland.

Bashiir Good, oo ah madaxa ergada Somaliland ee Mareykanka, ayaa wariyeyaasha u sheegay in saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen inay qorsheynayaan in la kordhiyo tirada ciidamada Mareykanka ee tababarka ka bixiya Hargeysa.

Cirro ayaa isna dhankiisa sheegay in saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanku ay sheegeen inay tixgelin doonaan furitaanka qunsuliyad ku taalla magaalada Hargeysa, balse aysan wax ballanqaad ah sameyn.

"Guud ahaan, waxaan Mareykanka u soo jeedinay iskaashi dhinaca amniga ah, ha noqoto la-dagaallanka argagixisada, amniga badda, ama ilaalinta maraakiibta. Waxaan leenahay 850 kiiloomitir oo xeeb ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed,” ayuu yiri Cirro.

Sida warbixintu ay sheegtay, Cirro wuxuu filayaa in iskaashiga dhinaca amniga ee Somaliland iyo Yahuuddu uu bilaabmi doono dhammaadka sannadkan, iyadoo diiradda la saarayo tababarka ciidamada iyo booliska Somaliland.

Wuxuu sheegay in joogitaan milatari oo Yahuuddu ku yeelato Somaliland uu mustaqbalka suurtagal noqon karo. Isagoo dhanka kalena ka dhawaajiyey in aysan dagaal toos ah kula jirin dowladda Yemen ama Xuutiyiinta gacan-saarka la leh Iiraan.

C/Raxmaan-Cirro isagoo walaac muujinaya, waxa uu dhanka kalena saadaaliyay in guulihii dhowaan ay Xuutiyiintu ka gaareen xeebaha Badda Cas ay saameyn dheeraad ah ku yeelan doonaan ganacsiga mara gobolka guud ahaan iyo gaar ahaan Berbera.

Madaxa maamulka daba-dhilifka ah ee Hargeysa, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay maamullada Soomaaliya, Jabuuti iyo dhinacyo kale inay ka shaqeynayaan sidii loo wiiqi lahaa wax uu ku tilmaamay xasilloonida Somaliland.

Geesta kale, Cirro wuxuu dadaal ugu jiraa sida ay warbixintu sheegtay, in Mareykanku tixgeliyo sharciyo Somaliland u oggolaanaya inay si toos ah u hesho nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, iyo in talooyinka safarka ee Mareykanku si cad u kala saaraan Somaliland iyo Soomaaliya.

Intii uu usbuucii hore booqashada ku joogay caasimadda Washington, waxa kale oo C/Raxmaan-Cirro la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan ururka Yahuudda ee American Jewish Committee (AJC), waxaana martigeliyay Yechiel Leiter oo ah safiirka Sahaayinada ee Mareykanka.

Sida uu sheegay ururka Yahuudda ee AJC, kulanka waxaa looga hadlay wax lagu sheegay horumarrada ka socda Geeska Afrika, amniga gobolka, muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland iyo xiriirka sii kordhaya ee Hargeysa iyo Talaabiib.

"Xiriirka Yahuudda iyo Somaliland wuxuu ka gudbay aqoonsi iyo kulamo dowladeed, wuxuuna hadda u jihaystay xiriir ku dhisan is-dhexgal iyo saaxiibtinimo sii xoogeysanaysa oo u dhexeysa labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray safiirka Yahuudda, Yechiel Leiter.

Waxaanu intaa sii raaciyey "Somaliland waa shuraako istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaysa, waana cod muhiim ah oo qayb ka ah doodaha muhiimka ah ee ku saabsan amniga badda ee Bariga Dhexe iyo Geeska qaaradda Afrika.”

Sida ay ka sanqarisay Jewish Insider, ilaa hadda, Yahuuddu waxay Somaliland ka waddaa tababar ay 50 injineer ku siinayso mashaariic la xiriirta dhinaca biyaha, isagoo Cirro-na sheegay inuu rajaynayo in maalgashiga Sahaayinada iyo Yuhuudda Mareykanka ee Somaliland uu sii kordhi doono.

FG: Kusoo biir barta xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay X/Twitter:

Related Items

Update cookies preferences